U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Degmada Shibis Oo Lagu Qabtay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Shibis Maxamed C/qaadir Warsame oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka degmadaasi ay kala hadleen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen amniga.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay ka wada hadleen iyaga iyo shacabka sidii loola dagaallami lahaa rag hubeysan oo habeenkii dhac u geysta dadka shacabka ah.

Taliye Warsame ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen ciidamada Booliiska degmada Shibis ay kusoo qabteen rag hubeysan oo falal amni darro ka waday degmadaasi.

“Waxaa kulankan looga hadlay amniga degmada Shibis waaxyaheeda kala duwan, waxaan la kulannay ganacsatada, macallimiinta Dugsiyada, Iskuullada, Haweenka iyo Odayaasha waxaan kala hadalnay sidii ay noogala qeyb qaadan lahaayeen ka shaqeynta amniga, waxaana shirkaasi kasoo baxay in shacabka ay nala shaqeeyaan oo waxaan dhageysannay aragtidooda iyo sida ay ugu qanacsanyihiin amniga iyo qaabka loo sugayo, qolooyin Moobeellada qaadata ayaa maalmahan nagu badneyd iyagana dabagal baan ku sameynay qaar ka mid ahna waan qabannay dadkana iyaga ayaa warbixinta nasoo siiyey” ayuu yiri Taliyaha Booliiska degmada Shibis.

Habeennadii ugu dambeeyay waxaa xaafadaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kusoo badanayey rag hubeysan kuna labisan dareeska dowladda islamarkaana shacabka dhacaya.

Goobjoog News