U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Iyo Doorashooyinka Oo Ka Dhacay Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan afur ah oo madaxweyne ku xigeenka Galmudug u sameeyay qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Cadaado oo ka kooban waxgarad, Odayaal dhaqameed, dhallainyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xalay ka dhacay degmada Cadaado, waxaana looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanka iyo u diyaargarowga doorashada xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka soo socda ee dowladda Federaalka.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka mid ah Labada gole ee Galmudug, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Cadaado iyo sidoo kale sidii Cadaado looga diyaar garoobi lahaa soo xulista xildhibaannada cusub.

Waxay soo dhaweeyeen dhinayacdan arrimo uu usoo jeediyey madaxweyne ku xigeenka Galmdug oo ku saabsan sida loo wajihi doono xildhibaannada soo socda ee baarlamaanka Federaalka.

Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sugidda amniga deegaannada Galmudug gaar ahaan magaalada Cadaado oo hadda maamulkooda ka shaqeeyo sidoo kalena isku diyaarinayaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka baarlamaanka.

“Waxaan halkaan isugu nimid kulankaan oo aan uga hadleynay sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga, looga tashan lahaa doorashada 2016 iyo sidii loo marti gelin lahaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee imaan doonto degmada Cadaado, sida aad ula socotaan magaaladaan waa midda KMG ee Galmudug oo hadda ku sahqeyno, maadaama xildhibaannada soo socda lagu dooran doono degmadaan ayaa ulajeedku waxa uu ahaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa arrintaasi oo dhan, markii ay noo yimaadeen UN qeybta ka socotay oo arrintan ka shaqeynaysa iyo hadda oo bulshada qeybaheeda kala duwan la kulannay ayaa ah in dadka loo waco la wacyigeliyo muhiimna tahay inay fahmaan dowladnimada iyo waxay u baahan tahay, waxaad moodaa 100% inaan ku guuleysannay waxaa kasoo qeybgalay rag badan oo odayaal ah, arrimaha amniga si wanaagsan baan uga hadalnay, waxaan ku talo galnay inaan amniga taabo gelinno lagana saaro dhammaan ciidamada lagana billaabo maalinta Arbacada ah laguna xareeyo armahooda ay lahaayeen”

Kulankaan waxa uu imaanayaa xilli maalmihii ugu dambeeyay gudaha degmada Cadaado laga maqlayey rasaas aan ulajeed lahayn oo ka dhaceysay guud ahaan degmadaasi.

Goobjoog News