U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga K/galbeed Oo Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Laftagareen ayaa kulan ammaanka looga hadlayey wuxuu la qaatay saraakiisha ciidanka Booliiska.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee deegaannada K/galbeed.

Inta kulanka uu socday ayaa warbixinno iyo talooyin waxaa laga dhageystay saraakiisha Booliiska ee kulankaasi ku sugnaa, waxayna inta badan ka hadleen sidii looga hortagi lahaa weerada Al-shabaab, sidoo kalena gacan adag loogu qabaan lahaa amniga.

Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku bogaadiyey ciidanka Booliiska dedaalkooda ku aaddan xaqiijinta ammaanka iyo ilaalinta shacabka.

Wuxuu ugu baaqay iney sii Labo jibbaaraan dedaalkooda si looga hortago falalka amni darri ee ay fuliyaan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Laftagareen ayaa maalmahan dambe wuxuu xoojiyey kulamada ku aaddan amniga, isaga oo wada qorsheyaal ku saabsan sugidda amniga K/galbeed iyo sidii looga saari lahaa Al-shabaab.

Goobjoog News