U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Oo Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey amniga guud ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayna wada yeesheen guddoomiyaha cusub ee maamulka magaaladaasi Maxamed Ibraahim Food Cadde, laamaha amniga iyo guddoomiye waaxeedyada B/weyne ayaa ka dhacay xarunta degmada ee magaaladaasi.

Waxyaabaha kulankaasi diiradda lagu saarey ayaa kala ah sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ciidamada amniga iyo guddoomiye waaxeedyada iyo sidoo shacabka B/weyne loola shaqeyn lahaa.

Guddoomiyaha B/weyne Ibraahim Food Cadde oo wareysi siiyey Goobjoog News, kulankasi kadib ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la gaaro horumar dhanka amniga ah, ayna wada shaqeeyaan shacabka iyo maamulka.

“Ulajeedka kulanka amniga looga hadlayey wuxuu ahaa sidii amniga looga wad shaqeyn lahaa, sidii madax waaxeedyada B/weyne iyo sidoo kale saraakiisha amniga u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana isla fahamnay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha cusub ee magaalada B/weyne Ibraahim Food Cadde ayaa ugu baaqay shacabka B/weyne iney iskaashi sameeyaan oo ay la shaqeeyaan maamulkooda.

Goobjoog News