U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Oo Ka Dhacay Degmada Jalalaqsi, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Kulan ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee degmada Jalalaqsi iyo wada shaqeyn dhexmarta bulshada iyo Ciidanka ayaa lagu qabtay degmadaasi.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyey maamulka degmada Jalalaqsi, waxaana ka qeybgalay, maamulka degmadaasi, Odayaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta kulankaan uu socday waxaa diiradda si aad ah loogu saaray sidii shacabka degmadaasi ay si buuxda ula shaqeyn lahaayeen ciidamada ammaanka, ciidankuna ay u sugi lahaayeen amniga degmada.

Waxgaradkii ka qeybgalay shirkaan ayaa dhankooda waxay soo qaadeen qorshaha maamulka degmadaasi iyo ciidanka amniga uga degsan in la furo waddooyinka soo gala degmadaasi ee Al-shababa xirteen, waxaana la isku raacay in maalmaha soo aadan la billaabo howlgallada waddo furista ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa xiray waddooyin badan oo soo gala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee degmadaasi.

Goobjoog News