U bood dhigaalka

Dhageyso: Kulan Looga Hadlayey Furista Waddooyinka Xiran Oo Lagu Qabtay Garbahaarey, Gedo

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayay sidii laysgu furi lahaa waddooyinka  degmooyinka gobolka Gedo ayaa lagu qabtay Magaaladda  Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Kulankaan waxaa ka qeybgalay laamaha ammaanka Gobolka iyo kuwa degmada Garbahaarey, kulankan oo uu guddoominayey Maxamuud Sayid Aden oo ah Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland ayaa lagu soo qaaday sidii la isugu furi lahaa waddooyinka u xiran Al-shabaab.

Maxamuud Sayid Aden oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in kulankaasi la isku af gartey xoojinta ammaanka degmooyinka Gobolka Gedo iyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka kala xiran.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday xubno wafdi ah oo ka socday hay’adda UNDP oo uu tilmaamay kulan ay la qaateen in ay isku af garteen sidii maamulka Gedo looga taageeri lahaa arrimaha amaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News