U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Halista Miinooyinka Oo Lagu Qabtay Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda maamulka Galmudug u qaabilsan Miino baarista ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah.

Inta kulankaan uu socday waxaa lagu soo bandhigay macluumaad ku aadan dhibaatooyinka bulshada ay ku qabaan Miinooyinka iyo wayaaxbaha qarxa ee dagaallada ka haray.

Xoghayaha dowladda hoose ee maamulka degmada Cadaado Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi ayaa sheegay in Miinooyin badan ay ku aasan yihiin deegaannada hoosyimaada magaaladaasi.

“Degmada Cadaado waxay ka mid tahay degmooyinka dhibaatooyinka ugu tirada badan ku qabta dhinaca Miinooyinka iyo haraadiga hubka iyo waxyaabaha kale ee qarxa, markaan dib u fiirinno dhacdooyinka xusuusta mudan waxaa ka mid ah rag u yimid rasaas haraadi ah oo ay isku dayeen in wax ka anfacaya ay ka goostaan, waxay ku tashadeen in mid ku istaago xabadda, midna garaaco si ay wax un ugala baxaan, laakiinse xabaddii ayaa qaraxday, mid wuxuu ku waayey Labadiisa gacmood midka kalena korkiisana dhan ayaa dhibaato kasoo gaartay” ayuu yiri xoghayaha.

Xirsi Daahir Iimaan oo ah madaxa hay’adda Miino baarista Galmudug ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu ciribtirayo Miinooyinka islamarkaana sanadaha soo aadan ay guullo ka gaari doonaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay dowladaha qaatay go’aanka ah in la ciribtiro miinada, wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya waxay golaha wasiirada ka ansixisay sharci qeexaya in dalka laga dhameeyo Miinada iyo walxaha qarxa si nabad galyo loo helo sanadka 2025-ka marka la gaaro” ayuu yiri Xirsi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay iney jiraan waddooyin muhiim ah oo u go’ay miinooyin ku aasan, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto.

“Awrta dhaansan iyo midda geeddiga ah ee ay saaran yihiin ciyaalka Miinadu wey la qaraxdaa, baabuurta sahayda loogu wado ee BL-ka la yiraahdo oo shacabka raashiinka ku qaataan qatar bay ku sugan yihiin oo waddooyin badan bay ka wareegsadaan, waxaa la maraa waddooyin gacan sameys ah oo hadda inta la geed qaaday la leeyahay halagu moodo, cabsida miinada laga qabo waddooyin badan baa u xiran” ayuu yiri Guuddomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee dhanka ammaanka.

Ugu dambeyn waxaa kulankaasi ka hadlay wasiiru dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska dowlad gobaleedka Galmudug Aweys Cali Saciid waxaana uu codsaday in Galmudug laga gacan siiyo wax ka qabashada haraadiga Miinooyinka.

“Gobollada Mudug iyo Galgaduud sida dhagaxa uga baxo deegaanka ayeey Miinadu u taalla, wey ku aasantahay ama iyadoo gumac ah bay wadadu taallaa oo aafeynayso caruurtii iyo dadkii kale, waxaan codsaneynaa ka maamul ahaan in deegannadaan laga sameeyo xarumo ka shaqeeya Miinooyinka iyo ka hortagga dhibaatooyinka ay geystaan” ayuu yiri Aweys Cali Saciid.

Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dadku ku waxyeeleeyaan haraadiga Miinooyinka.

Goobjoog News