U bood dhigaalka

Kulan looga hadli lahaa khilaafka madaxda dowladda kana dhici lahaa Masar oo baaqday

Sheeko:Dalka

Waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen gudi heer sare ah oo arimaha somaliya ay u xil saartay jaamacadda carabta, kaa oo ka dhici lahaa dalka Masar.

Kulanka ayaa lagu waday in uu furmo maalintii shalay ee talaadada ahayd hase ahataee ma uusan hirgelin.

Uljeedka kulankaan ayaa ahayd in la isla baaro waxyaabaha sida rasmiga ah uu salka ugu hayo khilafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Shekh .

Safiir Samiir Xusni maamulaha Afrika ee Jamaacadda Carabta ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid kulanka ay tahay codsi ay soo jeediyeen wakiilada Soomaaliya u matalaya kulanka .

Waxaa la sheegayaa in Masar Shalay ay   u gudbisay xubnaha Jamaacadda Carabta qabshada shirka looga hadlayo xalinta dhibaatada Soomaaliya oo dhibaato isyaasadeed ku jirtay mudo dheer .

Weli ma muuqato xal laga gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Goobjoog News