U bood dhigaalka

Kulan Looga Soo Horjeedo Shirka Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan Oo Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen 8 Ugaas oo kala matalayey beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,  siyaasiyiin, xildhibaanno iyo qeybaha kala ee bulshada.

Waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan shirka maamul u sameynta Labadaasi gobol iyaga oo ku baaqay in talada dib loogu soo celiyo shacabka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xubnahan kulmay ayaa sheegay in ay ku gubaabinayaan in cid walbo oo mas’uul ah laga doonayo inay kusoo noqoto cadaallada, islamarkaana ay ogaadaan in maamul la sameynayo uu yahay mid shaqeyntiisa ay shacabka u taallo.

Qaar ka mid ah Ugaasyada halkaasi hadalka ka jeediyay ayaa sheegay in marnaba aanay aqbali doonin shirka Jowhar islamarkaana halkaasi ay ka jirto cadaal darro, beello qaarna aan meesha lagu xusin.

Waxay ku taliyeen in mar kale degmada Jowhar aan laga furin shirka maamulkaasi lagu dhisayo, islamarkaana aan laga talin dhibaato cusub waa sida ay hadalka u dhigeen.

“Hadii aynu nahay waxgaradka Labada Gobol ee Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan waxaan leenahay raali kama nihin shirka Jowhar, waxaan sheegaynaa in la afduubtay shirkaasi, mana aqbali donno, dadka halkaasi jooga nama matalaan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee halkaasi hadalka ka jeediyay.

Gabagabadii kullankaasi waxaa ka hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo sidoo kale xildhibaan Shaacir kuwaasi oo taageeray go’aanka ay qaateen Odayaasha dhaqanka ee shalay ku shiray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News