U bood dhigaalka

Kulan Loogu Magac Daray u Ducee Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka, waxaa maanta ka dhacay kullan ballaaran oo loogu magac daray u ducee Soomaaliya, waxaana ka qeygalay Qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Haween iyo Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dhammaan dadkii ka qeygalay shirkaasi ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in la’is cafiyo, oo alle la baryo si dhibaatada dalka ka jirta looga baxo.

Qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo halkaasi hadal ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Allah laga baryo in uu dalka hagaajiyo, lana weydiisto dambi dhaaf.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dadka xujeyda ah ee sanadkaan xajinaya laga doonayo in ay usoo duceeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dalkooda.

Hadii wadanka loo duceeyo, islamarkaana Allah la weydiisto cafis ay horseedi karto nabad waarta oo ka dhalata wadankaan.

Goobjoog News