U bood dhigaalka

Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara Oo Maanta Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay kulanka Himilooyinka Horumarka Waara (SDG) iyadoo furitaanka kulankaan uu ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, xubno ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaanno iyo ururada bulshada rayidka ah.

Hadafka kulankaan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Himilooyinka Waara ayaa lagu sheegay in uu yahay daah furka fahamka guud ee Himilooyinka Horumarka waara ee 2030.

Waxaa kulanka laga sheegay in la filayo in ay ka soo baxaan is faham guud oo ku saabsan nidaamka Himilooyinka Horumarka waara (SDG) iyo horumarinta yoolkiisa iyadoo loo eegayo baa la yiri heer qaran lana is waafajinayo ahdaafta SDG iyo heshiis guud ee Himilooyinka Qaranka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay kulanka  daah furka Himilooyinka Horumarka Waara.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in daah furka maanta kaliya uu ahaa in marka hore la fahmo waxa ay tahay Himilooyinkaan Horumarka ah.

“Himilooyinka aan maanta daah furnay ma ahan wax cusub, waa wax caalami ah, waxaana go’aan lagu gaaray shirkii Qaramada Midoobay ee dhacay 2015 bishii September, waa wax adduunka oo dhan uu ka mideysan yahay, Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada Himilooyinkaasi ogolaaday oo ku jiray, waxaan maanta ugu tala galnay daah fur oo kaliya, in la fahmo maxay tahay Himilooyinkaan Horumarka ah, sida markii aan hadlayay ku sheegay, Himilooyinka waxaa saldhig u noqonaya qorshaha qaranka ee wasaaradda Qorsheynta qaranka hogaaminayo ee 2017 iyo 2019, waxaa saldhig looga dhigayaa Himilooyinkaan maanta kusoo dhignay waa 17 laakiinse inta dalka quseysa ama mudnaan u leh ayaa laga qaadan doonaan sida wasiirkaba uu tilmaamay, waxa uu arkayay 7 qodob laakiin ma ahan wax ay wasaaraddu go’aaminayso, waa wax lagala tashanayo xukuumadda guud ahaan, dowlad gobaleedyada, ururada bulshada nooc kacsta, dhalinyarada, haweenka, waxa uu noqon doonaa saldhigga qorshaha soo socda, sababaha waxay ka mid tahay wadama ugu horeeya ee ku shaqeynaya Himilooyinkaasi xitaa wadamo horumaray sida Sweden iyo Germany weli aan sameyn ayey Soomaaliya kaga horumartay, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonnahay in Himilooyinkaasi inta naga quseyso aan qorshaha saldhig uga dhigi donno, fulinteeda waxay ku xirnaan doontaa xukuumadda, dowlad gobaleedyada ururada bulshada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed”

“Qorshaha qaranka waxaa saldhig u noqonaya sideedaba himilooyinkaan 17-ka ah, intii markaasi Soomaalida is leedahay waad fulin kartaan inay ka qaataan waaye, Himilooyinka kuma eka ilaa 2017 ee waa illaa iyo 2030, marka waa wax joogta ah, qorshahaan aan sameyneyno markii uu dhamaado qorshaha ku xiga qeybo kale ayaa la qaadanaa illaa laga gaaro 2030 sidaas ayeey Himilooyinka u taagnaanayaan”

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in la tashiyo badan ay la sameyn doonaan maamul gobaleedyada iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro go’aanmideysan oo ku aadan Himilooyinka Horumarka waara.

“Dowlad gobaleedyada wasiiradoodii qorsheynta iyo Iskaashiga ayaa nagala qeybgalay, ururo badan oo bulsho ah ayaa ka qeybgalay hase yeeshee qorshuhu ma ahan arrin fudud sameynteeda, qoraalkeeda iyo la tashigeeda waa uu socdaa, wixii ka dambeeya 15-ka bishaan in wasaaradda oo is qabta ay tagto dhammaan dowlad gobaleedyada ay la fariisato ay lasoo sameyso qorshe qaran oo umadda oo dhan ku mideysan yihiin, qorshe la sameynayo wax fudud ma ahan, waxaynu jecelnahay bilaha April, May inaan soo saarno qoraalkii ugu horeeyay oo loo qeybiyo dadkoo dhan akhristaan ay talooyin ka sameeyaan, bisha June 2016-ka waxaa soo bixi doona qorhihii qaranka 2017-2019 oo la sameeyay oo mideysan oo umadda dhan ka warqabto” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News