U bood dhigaalka

Kulankii Farmaajo iyo Beesha Caalamka Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday

Sheeko:Amniga

Shir Xerada Xalane ay ku yeesheen qaar ka mid ah Safiirada dalalka Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Fashil ku soo dhamaaday kadib markii leysku fahmi wayay qodobada qaar ee shirka looga hadlayay .

 

Safiirada dalalka Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub oo uu Farmaajo Si gaar ah kulan ula qaatay ayaa Farmaajo loogu gudbiyay Fariimo ay Wadeen Safiirada , iyadoo sidoo kale Safiirada ay sheegen in ay ka fiirsanayaan haddii Farmaajo  uu ku adkeysto Mudda kordhinta ay ka jarayaan Deeqaha ay siiyaan.

Dhanka kale Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in ay intii wadahadalada ay socdeen Xukuumadiisa waqtiga uu ka dhamaaday dadaal ay ku bixisay sidii loo qancin lahaa madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland, hasayeeshe ay ku guul dareysteen.

Saaxibada beesha Caalamka ee Farmaajo uu la kulmay ayaa sheegay in aysan ka aqbali doonin Mudda kordhinta Golaha shacabka u sameeyen 12 April .

Sikastabada Xubnaha Safiirada uu kulanka la qaatay Farmaajo ayaa isku fahmi waayay in Farmaajo uu ka noqdo mudda kordhinta taas oo markii dambe keentay in lagu kala tago Kulankii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Safiirada UK, EU iyo Mareykanka .