U bood dhigaalka

Kullan Looga Hadlayey Horumarinta Ganacsiga Deegaannada Galmudug Oo Lagu Qabtay Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey horumarinta ganacsiga heerarka hoose iyo dhexe ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug, waxaana ka qeybgalay wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Galmudug, ku xigeenkiisa, maamulka degmada Cadaado iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada heeraraka hoose iyo dhexe ayaa looga hadlay sidii dhiirigelin iyo horumarin loogu sameyn lahaa ganacsiga yar yar ee deegaannada dowlad gobaleeda Galmudug.

Nuur Yarow Xeyle oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in dhiiragelin joogta ah loo sameeyay ganacsatada yar yar islamarkaana magaalada Cadaado ay ka hirgeliyeen suuqyo ay ku ganacsadaan.

Guddoomiyaha ururka Ganacsatada yar yar ee Galmudug Cabdinuur Ciise Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay Hiigsigooda, waxaana uu tilmaamay in xilliyada qaar ay taageero u muujiyaan dadka danta yar.

Uurkaasi ayuu sheegay in shaqo abuur uu u sameeyay 45 qof oo ku nool qaar ka mid ah kaamamka Barakacayaasha ee Caado.

Ugu dambeyn wasiirka Ganacsiga iyo Warsahada Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhiiragelinta ganacsiga Billowga ah, isaga oo tilmaamay in kobaca dhaqaale wadankasta uu saldhig u yahay ganacsiga yar yar.

“Marka laga hadlayo wadan ganacsigiisa sareeya ama deggan waxaa la eegaa ganacsatada yar yar iyo dabaqadda dhexe inta ay la egyihiin, mar walba oo ay badan tahay dabaqadda dhexe dhaqaalaha waddankaasi wuu deganaanayaa” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka Ganacsiga ee maamulka Galmudug.

Goobjoog News