U bood dhigaalka

Kullanka Baarlamaanka Federaalka oo Xubno cusub La Dhaariyay Sharciyana La Akhiriyay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka koobaad, Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka waxaa maanta la dhaariyay Xildhibaan Abshir Xasan Abshir Faarax oo lagu badalay Aabihii Xasan Abshir Faarax oo xanuunsan.

Waxaa kaloo la ansixiyay lana dhaariyay  Xirey Axmed Roble oo lagu badalay  Cabdulahi Gacal oo xubin ka ahaa Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Waxaa sidoo kale Maanta Akhrinta koobaad maray Hindise sharciyeedka Maal-galinta Shisheeye Weli lagama doodin sharciga.

Waxaa kaloo maanta la qeybiyay madashada wadatashiga qaranka Soomaaliyeed hanaanka doorashada qaran sanadka 2016-ka, Waxaa kaloo la qeybiyay Formka xogta Xildhibaanada.

Wararka Kullanada Baarlamaanka mar walbo, kala soco Goobjoog News