U bood dhigaalka

Kullankii Baarlamaanka Ee Maanta Oo Natiijo La’aan Kusoo Dhammaaday

Sheeko:Baarlamaanka

Fadhiga maanta baarlamaanka  isugu yimaadeen ayaa ahaa kalfadhigii 7aad kulankiisii 37aad , waxaana shir guddoominayay guddomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad  .

Ajandaha xubnaha baarlamaanka la soo hordhigay ayaa ka koobnaa 5 qodob oo ay ka mdi ahaayeen; u codeynta wax ka bedelka qodobka 10aad ee sharciga xuduudaha iyo federaalka, warbixinnada guddiyada arrimaha dibadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha baarlaamaanka, akhrinta 2-aad ee sharciga Axsaabta Siyaasadda, qeybinta heshiiska caafimaadka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyo qodobbo kale.

Markii Ajandaha  ay guddoonku u soo bandhigeen xubnaha baarlamaanka ayaa isla markiiba uu buuq is qabsaday xubnaha baarlamaanka oo dood ka keenay ajendaha kalfadhiga, iyadoo Xildhibaan Maxamed Cabdallaahi Xasan oo ka hadlay xarunta baarlamaanka uu sheegay in maalintii ugu dambeysay ay ku baallameen xubnaha baarlamaanka iyo guddoonkuba in la hor  keeno wasiirka Ammaanka  iyo Labadiisa taliye oo la  doonayey in Su’aallo laga waydiiyo ammaanka iyo xasaanada xildhibaanada oo ay dhibaato ka taagan tahay, isagoo guddoonka xasuusiyay iney ku hogaamiyaan waxay iyagu raalli ka yihiin oo qura isla markaan ay tahay in shirka dib loo dhigo.

Ugu dambeyn guddoonka baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay in wasiirka Amnigu uu codsi keenay baarlamaanka uu ku doonayo in wakhti loo qabto waxa ka dambeya 25 febraayo oo ku beegan xilliga uu baarlamaanku fasaxa galayo,  sidaa daraadeed ay guddoonka isasoo waafajin doonaan codsiga xildhibaanada iyo kan wasiirka, shirkuna uu xiran yahay.

Goobjoog News