U bood dhigaalka

Kumaandooska Soomaaliya oo Ka Hadlay Howlgallo Laga Sameeyay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor gaar ahaan Ururka 8 aad ee guutada 18 aad ayaa howlgal laga Sameeyay Tuulooyin hoostaga degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan looga saaray xoogaga Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 18 aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor Gashaanle Bashiir Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray tuulooyin dhowr ah oo Hoostaga Gobolka Hiiraan, kadib howlgal ballaaran oo ciidamadu ay qaadeen.

Taliayaha waxa u sheegay in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor aya sii laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka xoogaga Al-Shabaab tan iyo inta laga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin  Gobolka Hiiraan.

Goobjoog News