U bood dhigaalka

Kumanaan Qoys oo ku dhaqan degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey oo Gargaar raashineed loo qeybiyey

Sheeko:Dalka

ku dhowaad ilaa 13-kun oo qoys  oo ku dhaqan degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey oo saameyn ay ku yeelatey Colaado xirmey wadooyinka iyo abaaraha ayaa markii ugu horeysay mudo ka badan 8 bilood waxaa la gaar siiyey Gargaar raashineed oo ka yimid Magaalada Muqdisho,iyadoo qoys welibana la siiyey Noocyo raashin oo ku filan mudo laba asbuuc ah.

Gargaarkan raashineed oo ka kooban ,Bur,Bariis,Sonkor,Caano ,Qudaar iyo Saliid ayaa waxay dadka deeganadaasi ku dhaqan ay si weyn u soo dhaweeyeen gargaarkani sida ay Goobjoog u sheegtay Faadumo Aden oo ka mid ah Qoysaska degan degmada Garbahaarey.

Maxamed Salaad oo ka mid ah Qoysaska degan Degmada Buurdhuubo ayaa Goobjoog u sheegay in gargaarkan raashineed uu wax weyn ka tarayo noloshooda ,maadama bilahi ugu dambeeyey ay ku sugnaayeen xaalad Qatar ah,waxuuna ka codsadey Dowlada Soomaaliya iyo hay,adaha Samafalka in ay sii labo jibaaran gargaarka.

“Inkastoo gargaar kooban nala soo gaarsiiyey weli waxaa na haysta dhibaatooyinka Colaadaha oo ku xirmey wadooyinka,ma jiraan wax ganacsi ah oo soo gala degmada,waxaana noogu sii daran dhibaatooyinkaasi abaarta oo dadka intooda badan ay ku xoolo beeleen iyo cuduro deegaanka ka dilaacay ,sidaasi waxaa yiri Maxamed Salaad.

Gargaarkan Raashineed ee la gaarsiiyey labadaasi degmo ee kala ah Buurdhuubo iyo Garbahaarey iyo weliba Tuullooyinka hoos yimaada,kana yimid dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wado mariyey Ciidamada AMISOM,Iyadoo inta u dhaxeysa Buurdhuubo iyo Garbahaareyna ay kala kulmeen weeraro kaga imaanayey Xarakada Alshabab.

Gargaarkani raashineed ee laga qeybiyey degmooyinkaasi ayaa waxuu ku soo beegmayaa xilli mudo ka badan ilaa 8 bilood degmooyinkaasi ay ku jiraan xaalad go,doon ah,iyadoo dadka deegaanadaasi ku noolna dhibaatooyinkaasi ay u sii dheer yihiin abaaro galaafatey nolosha dad iyo duunyo.