U bood dhigaalka

Kumanaan Reer Siiriya Oo Ku Xayiran Xuduudda Turkiga

Sheeko:Dalka

In ka badan Boqol Kun (100,000) oo Siiriyaan ah ayaa ku xanibmay meel u dhow xuduuda dalka Turkigu uu la wadaago gobolka Alepo xili dagaalyahanada Ururka Daacish ay ku soo siqayaan Dhulka uu mucaaradka qunyar socodka ahi haysto.

Dhaqaaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in ay kala baxeyn shaqaalahooda Isbitaalka Al-Salamah halkaas oo uu ku yaallo isbitaalku ugu weyn oo ay maamusho MSF kuna yaalla dalka Siiriya.

“Aad ayaan uga walaacsanahay xaaladda iyo meesha ay ku dambeyn doonaan bukaannadeenna iyada oo dad lagu qiyaasay 100,000 xuduudda Labada dal ee Siiriya iyo Turkiga u dhexeysa” sidaa waxaa lagu yiri war saxaafadeed  uu soo saaray Pablo Marco  oo MSF u qaabilsan dhanka howl-gallada.

Kooxda Daacish ayaa jartay waddo muhiim ah oo Tagta magaladda Azaz, oo xuduuda Turkiga u dhow.

Daacish ayaa gacanta ku dhigtay dhul muhiim ah oo ku yaalla dhanka xuduudda Turkiga, iyadoo magallada Marea ay iminka ku xayiranyihiin dad gaaraya 15,000

Sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee AFP jimcadii shalay weeraro ay geysteen ciidamada cirka dalka Siiriya oo ka dhacay magaladda Aleppo ay ku geeriyoodeen  ugu yaraan 15 ruux.

Goobjoog News