U bood dhigaalka

Kun Qaxooti Soomaali ah oo Subaxda Talaadada kusoo wajahan Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso oo ay maalmahaan soo gaarayeen dadkii ugu badnaa ee dalka Yaman dhibaatada ka jirta ka soo cararay ayaa badankood loo anba bixiyay deegaanadoodii hore si ay mar kale ula midoobaan dadkoodii

Culima’udiinka, Ganacsatada iyo dhamaan shacabka magaalada Boosaaso ayaa kaalin ka qaatay gurmad u fidinta dadkaas sida ay idaacada Goobjoog u sheegeen Culimada hormuudka u ah u gurmashada dadkaas Soomaaliyeed.

Howsha gurmadka oo ay qeybta ugu wayn qadanayaan ganacsatada Magaaladaas waxaa maanta mas’uuliyiinta shirkadda Libaan Company oo gacan ka heleysa Maxjarka Boosaaso ay soo anba bixiyeen 150 qof oo ka mid ahaa dadkaas ka yimid Dalka Yaman

Maalin ka hor shirkada Isgaarsiinta GOLIS madaxdeeda ayaa soo anba bixiyay sedex boqol oo qof kuwaas oo ay soosaareen baabuurta Fudud ee Blka ayna soo siiyeen sahay fiican oo ay jid mar kasii dhigtaan inta ay dadkaas wadada ku jiraan

Shiikh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga yaman oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xeryihii Boosaaso ay caawa ku hoyanayaan dad aan ka badnayn konton qof kadib markii inta badan dadkii la anba bixiyay.

Sheikh Axamad Daad waxa uu dhinaca kale sheegay in maalinta beri ah ay Boosaaso ku soo wajahan tahay doon weyn oo sida ilaa kun qof oo ka imaanaya Yemen kuwaasna ay u baahan yihiin gacan gargaar oo la mida tii loo sameeyay dadkii ka horeeyay