U bood dhigaalka

Kunteenar ay ka buuxaan walxaha qarxa iyo dhar ciidan oo lagu qabtay dekada Magaalada Muqdisho (Dhageysi & Sawiro)

Sheeko:Dalka

Dekada weyn ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay Kunteenar weyn oo ay saarnaayeen walxaha Qarxa, Dhar iyo Kabo ciidan oo aad u badan.

Kunteenarkaan ayaa keenay Markab la sheegay in dhanka dalka Shiinaha uu kasoo shiraacday, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen in markabkaan uu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, sidoo kalena la hayo dad arintaasi ku lug leh.

Taliyaha saldhiga Booliiska ee Dekada Muqdisho ayaa sheegay in tani ogaanshiyaheeda ay ku suurta gashay ka dib markii xubin ka mid ah ciidamada Canshuurta oo wada baaritaano soo ogaatay walxahaan meesha yaala.

Waxaa Dekada intaasi ka dib gaaray wasiirka amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo sidoo kale saraakiil ka mid ah hay’adaha amaanka dalka, kuwaa oo soo arkay walxahaan qarxa oo la sheegay in ay yihiin kuwa gaadiidka lagu dhejiyo.

Khaliif Axmed Ereg, wasiirka amniga ayaa saxaafadda u sheegay in ciidanku ay aad u feejigan yihiin, sidoo kalena ay wadaan baaritaano dhab ah oo arintaan ku saabsan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dahwaan ayaa dekada Muqdisho waxaa laga qabtay Kunteenar ay ka buuxaan Maandooriyaha Qamriga Loo yaqaano.

Halkaan hoose ka dhageeyso Taliyaha iyo Wasiirka Amniga oo faah faahin ka bixinaaya walxahaan la qabtay.

06 05 04 03 02 01

Sawirada Waxaynu kasoo xiganay Warbaahinta dowladda