U bood dhigaalka

Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maalintii Seddaxaad Lagu Dooranayo Baydhabo

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in saaka oo Isniin ah ay ka qabsoonto doorashada afar kursi oo qeyb ka ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Kuraasta saaka ergooynkooda diyaarka yihiin ee la qabanaya doorashadoodu ayaa kala ah:

HOP#154

HOP#180

HOP#193

HOP#213

Kuraastan ayaa waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ee kala ah:

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#154, afarti sano ee la soo dhaafay waxaa dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalayay xildhibaanad Sareeda Maxamed Cabdalla.

Kursiga labaad ee saaka la dooranayo oo ay sumaddiisu tahay HOP#180, ayaa waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle.

Kursiga seddaxaad ee Baydhabo saaka oo Isniin ah lagu dooranayo tirsigiisuna uu yahay HOP#193, waxaa baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono.

Kursiga afaraad ee ugu dambeeya kuraasta maanta la dooranayo ee ay sumaddiisu tahay HOP#213, waxaa ku fadhiyay xildhibaan Yacquub Cali Maxamed.

Koonfur galbeed ayaa noqonaya maamulka keliya ay sida xooggan uga socoto doorashada golaha shacabka, iyadoo todobaadkaan gudahiisa xildhibaano dhowr ah lagu doortay Baydhabo.

Goobjoog News