U bood dhigaalka

Kursi Ka Mid ah Kuwii 5 ahaa ee Dib loo Celiyay oo Maanta Lagu Dooranayo Konfur-galbeed

Sheeko:Dalka

Kursi ka mid ah 5 kursi ee dib ay u  celiyeen guddiga khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta doorasho ku celis ah loogu sameynayaa dowlad goboleedka Konfur.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta beesha Macallin weyne, ayaa 10,November, waxaa cod aqlabiyad ah u koo baxay Sheikh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka guuleystay Xaliimo Maxamed Cabdi oo iyadu xilligaa aan wax cod ah ka helin ergadii doorashada ka qeybgashay, kursiga ayaa dib loo celiyay kadib markii qaabka doorashadiisa lagu tilmaamay mid aan sifo sharci ah u dhicin, iyadoo guddiga khilaafaadku ay kursigan ku dareen kuraas dhowr ah oo la laalay.

Maalintii shalay ayaa waxaa dib loo doortay  Cabdi Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa xubnihii 5 ahaa ee dib ay u celiyeen guddiga khilaafaadka doorashooyinka dadban, horyana ay u laaleen doorasho uu ku soo baxay.

Goobjoog News