U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi oo Digniin u Dirtay Dowladda Mareykanka

Sheeko:Amniga

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Maeylkanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh.

Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan oo aysan arrimaha labada Kuuriya soo faragalin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay xaliyaan dhibaatooyiinka gudahooda ka jira.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horraantii toddobaadkan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed ka dib markii ay Seoul ku guuldareysatay in ay joojiso warqado iyo qalab kale oo ay soo dirayeen dad u goostay dhanka Koonfurta.

Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmay ka dib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay ka xuntahay in Pyongyang ay hakiso xiriirkii kala dhaxeeyay Seoul.

Wadaxaajoodyadii ku saabsanaa soo afjaridda barnaamijka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi ayaa la isku mari waayay iyada oo ay jirto in ay kulmeen madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Xukuumadda Pyongyang ayaa walaac ka muujisay diidida Washington ay diiday inay dabciso cunaqabataynta saaran Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa hoos u dhacday rejadii laga qabay in qaab wadaxaajood ah lagu soo afjaro muranka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Laba kulan oo ay yeesheen madaxwayne Donold Trump yo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa wax heshiis rasmi ah aysan ku gaarin labada dhinac.

Goobjoog News