U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabineysa Gantaalada Ridada Dheer

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  Kim Jong un ayaa sheegay in dalkiisa uu Tijaabin doono gantaalada ridada dheer kuwaa oo isag kala goosha qaaradaha iyo kuwa xambaara Nuclear-ka.

Waxa uu sheegay in waddankiisa uu leeyahay awood Milltari iyo mid hub, Qaramada Midoobay ayaa horey waxay ugu baaqday in la soo afjaro oo lasoo gebo gabeeyo tijaabooyinka dhanka Nuclear-ka iyo gantaalada ridada dheer kuwaas oo ay Tijaabineyso Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa horey waxa uu sheegay inuu dalkiisa diyaar u yahay inuu sameysto gantaalada ridada dheer, intii lagu guda jiray sanadkii 2016 ayaa Kuuriyada waqooyi horey u tijaabisey gantaalada riddada dheer.

Goobjoog News