U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Dheereeya

Sheeko:Dalka

Kuuriyada waqooyi ayaa tijaabisey gantaal ridadiisu ay fogtahay oo sida muuqata ku xad gudbaya qaraaradii Qaramada Midoobay horay uga soo saartay arrintaa.

Wadamada awoodda leh ee Mareykanku uu ka mid yahay ayaa horay uga digay in Pyongyang ay tijaabo nuucaan ah ay sameyso bishii la soo dhaafay iyaga oo xiligaa sheegay in Kuuriyada waqooyi lagu ciqaabi doono dambiyada dhanka Nukleerka ah ee dalkaasi uu galayo.

Warkan ah tijaabada Gantaalkan waxaa shaaciyey walaacna ka muujiyey wasaaradda arrimaha difaaca dalka Kuuriyada koonfureed.

Inkastoo ay soo kordheyso cadaadiska lagu hayo Kuurida waqooyi haddana dalkaasi waxa uu ku adkeysanayaa in barnaamijkani uu salka ku hayo horumarinta dhanka Sataleedka yahayna mid nabadeed.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladan ay kala shaqeyn doonaan Qaramada Midoobay gaar ahaan golaha Ammaanka si tillaabo adag looga qaado dalkaa sida lagu yiri war ka soo baxay Washington.

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tijaabadani ay gobolka xasiloonidiisa qaseeyso, taas oo aan la aqbali karin, waxana fikirkaa ku raacsan Mareykanka iyo dalka Japan.

Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in Kuuriyada Waqooyi aysan ku gacan seerin oo kaliya reer galbeedka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ee sidookale waxa ay ku gacanseertay wadanka kaliya oo ay saaxiibada yihiin dal weynaha Shiinaha.

Goobjoog News