U bood dhigaalka

Kuwait  oo Mamnuucday  Dhuxusha Looga Qaadayo Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dalka Kuwait  ayaa waxaa uu mamnuucay dhusha looga qaadi jiray Soomaaliya, sidaasi qoraal ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee dalkaasi.

“Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso”, sidaasi waxaa lagu qoray Al-Rai daily.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey oo ay aragtay wasaaradda ganacsiga Kuwait waxaa ku xusnaa in dakhliga ka soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya  si toos ama si dadbanba loogu maalgeliyo argigixisada .

Dadaaladan ay Qaramada Midoobey ku joojineyso dhuxusha laga qaado Soomaaliya waxaa ay qeyb ka tahay in la soo afjaro ilaha ay dhaqaalaha ka helaan kooxaha argigixisada.

Kooxda “The monitoring group” ayaa horay u sheegay xiriir soke oo Al-shabaab iyo Kenya ka dhaxeeya oo ah xagga ka ganacsiga dhuxusha, taasi oo ay Nairobi beenisay.

Goobjoog News