U bood dhigaalka

La-taliyaha Amiga Ee Madaxweynaha Oo Loo Magacaabay Cabdi Saciid, Akhriso Taariikhdiisa

Sheeko:Dalka

Mudane Cabdi Saciid M, Cali ayaa loo magacaabay la-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.
Mr. Cabdi Saciid M, Cali oo la hadlay  Goobjoog News  ayaa xaqiijiyay, waxaa uu noqonayaa la taliyihii 3aad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho 9kii bil ee la soo dhaafay.
Hadaba, Waa Kuma Cabdi Saciid M. Cali:

Waxbarashada: 
1993 – 1996: Delta University ayuu ka qaaday Bachelor la xiriirta ganacsiga, isla cilmigaas ayuu mar kale Bachelor uga qaaday 1996 – 1998 Jaamacadda Van Hall Larenstein.
1999 – 2000: Jaamacadda The University of Texas at Dallas, waxaa uu ka qaaday Postgraduate, ee dhaqaalaha iyo falanmqeynta warbixinnada.
University of Nairobi waxaa uu ka barya cilmiga siyaasadda, Harvard University, John F. Kennedy School of Government waxaa uu ka dhigtay istaraatiijiyadda halka Clingendael Netherlands Institute of International Relations uu ka dhameeyay cilmiga amniga.
Xagga Shaqada:
2004-2005 waxaa uu Lataliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga,
Urur goboleedka IGAD ayuu kala shaqeeyay amniga xuduudaha iyo badaha, waxaa uu sidoo kale bare ka noqday Foreign Service Institute oo Kenya ah iyo Jaamacadda Muqdisho.
Cabdi Saciid waxaa uu Soomaaliya wakiil uga ahaa hey’adda Nordic International Support Foundation isaga oo gobollo badan mashaariic ka fuliyay, isla hey’addaas ayuu madax uga noqday barnaamijka horumarinta Itoobiya iyo IGAD.

Hadda 2dii sano ee ugu dambeysay, waxaa uu midowga Yurub lataliye uga ahaa amniga.

Goobjoog News