U bood dhigaalka

La Xisaabtanka Xukuumadda Puntland oo Soo Gabogaboobey

Sheeko:Dalka

gaasWaxaa maanta maalintii labaad xarunta wasaaradda caafimaadka ee Puntland ka socday la xisaabtanka dowladda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Cabdiwali Cali Gaas , iyada oo su’aalo laga weeydiinayo waxqabadka maamulka. Shirweynaha ayaa maanta galinkii dambe kusoo gabogaboobey Garoowe, waxaana soo xirey madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Dadka su’aalaha weeydiinayaa ayaa waxaa ku jira dad shacab ah, iyada oo dhamaan wasiirada ay mid mid oga jawaabayaan waxyaabaha la weeydiinayo.

Wasaaradihii maanta soo bandhigey waxqabadkooda ayaa waxaa ka mid ah wasaaradda haweenka oo sheegtey in waxbarasho lacag la’aan ah ay siin doonto dumarka waaweyn.

Wasaarada ganacsiga ayaa iyaduna ka hadashay waxyaabaha dalka la keeno tayadooda, gaar ahaan gaadiidka oo ay sheegtey wasaaradda in tayadoodu aysan wanaagsan, islamarkaasina lacag badan looga qaato ganacsatada.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa ka hadashay farmishiyeyaal iibiya dawo dhacday, taasina ay xadgudub ku tahay caafimaad qabka dadka, islamarkaasina aanan loo dulqaadan doonin.

Hadal uu xiritaankii shirka ka jeediyey madaxweyne Gaas ayuu sheegey in wasaarad kasta ay soo bandhigtey wixii ay qabatay, wixii u qabsoomi waayay iyo waliba sababihii ay ugu qabsoomi waayeen, sidaasi darteedna hadda la joogo meel laga sii socon karo.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegey in uu dhawaan soo magacaabi doono gudiga doorashooyinka Puntland kadib markii dhawaan baarlamaanka uu ansixiyey sharciga doorashooyinka Puntland.

Dhageyso

Goobjoog News