U bood dhigaalka

Laamaha Amniga oo Sheegey In La Fashiliyey Qarixii Maanta Ka Dhacay Garoonka Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

qaraxAfayeen u hadlay laamaha amniga dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyey qarixii maanta ka dhacay illinka laga galo garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan meel u dhow.

Wuxuu sheegey in dhowr qof, oo intooda badan dad rayid ah yihiin oo meesha marayay ay ku dhinteen, iyo hal sargaal oo uu sheegey in uu ka hortagay gaariga, kuna guuleystey in uu ka joojiyo in uu garoonka galo.

Gaariga ayuu noociisa ku sheegey in uu yahay Noha, taargadiisuna tahay AB564, islamarkaasina uu kaxeynayay wiil aad u yar oo lasoo miineeyey isaga iyo gaarigaba.

Afayeenka wuxuu sheegey in aysan jirin cid gaar ah oo meesha mareysey oo loola jeedey qaraxa.

Balse waxaa jirey warar horey usoo baxay oo sheegayay in qaraxa lala eegtey kolonyo baabuurta AMISOM.

Ciidamada amniga ayaa balanqaaday in ay saxaafadda siin doonaan faahfaahin intan ka badan marka ay dhameeyaan baaritaanka iyo xog uruurin ay wadaan.

Dhageyso

Goobjoog News