U bood dhigaalka

Laanta Duulista Hawada Sare oo Ka Hadashay Maalinta Duulista Adduunka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Garoonka Aadan CaddeIyada oo ay maanta ku beegantahay maalinta adduunka ee duulista ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay laanta Duulista Hawada Sare ee Soomaaliya xili maanta warbaahinta Goobjoog ay booqasho ku tagtey garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan munaasabadan darteed.

Col. Cumar Sheekh Cabdi oo ah sargaal sare oo ka tirsan laanta Duulista Hawada Sare, islamarkaasina ahaa duuliye hore ayaa ka sheekeeyey taariikhda laantani, wuxuuna sheegey in laantani la asaasay 1964-tii, heerar kala duwana ay soo martay.

Mar uu ka hadlayay garoomadda hadda ka shaqeeya dalka ayuu sheegey in ay jiraan garoomo badan oo horey u shaqeyn jirey iyo kuwa cusub oo hadda la sameeyey, wuxuu sheegey in laanta iyo wasaaradaba ay wadaan dadaalo iyo qorshayaal dib loogu hawlgalinayo garoomada xiran , sidoo kalana lagu qalabeynayo kuwa hadda furan.

Garoomaha hoostaga maamul goboleedyada ayuu sheegey in ay maamuladaasi iyaga oo wakiil ka ah dowladda federaalka ay gacanta ku hayaan garoomadaasi, dowladana ay gacan ka geysato waxyaabaha lagama maarmaanka u ah garoomada.

Cumar Sheekh ayaa sidoo kale sheegey in garoonka Aadan lagu wado in mar aan fogeyn uu shaqeyn doono xiliga habeenkii ah, balse uusan xiliga sheegi karin.

Waxaa jira garoomo horey u shaqeyn jirey oo balse hadda xiran, waxaana ka mid ah garoonka Hobyo, kan Caluula , Eyl iyo Ceeri-Gaabo, wuxuuna mas’uulkani sheegey in garoomadaasi la furi doono.

Maamulka hawada sare ee Soomaaliya ayaa wali waxa uu saldhigiisa yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya , waxaana gacanta ku haya hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey, mas’uulkana waxa uu qabaa in mar aan fogeyn lasoo wareejin doono maamulka hawada Soomaaliya.

Haddii Soomaaliya lagu soo wareejiyo maamulka duulista hawada sare ayaa waxa dowladda kasoo gali doona dakhli badan oo kasoo xarooda diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya. Illaa hal malyuun oo doolar ayaa lagu qiyaasaa lacagta bishii kasoo xaroota hawada Soomaaliya.

Dhageyso

Goobjoog News