U bood dhigaalka

Laascaanood: Beelihii Ku Dagaallamay Gobolka Sool Oo La Wada Hadal Siinayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Laascaanood wada hadal ay ku yeesheen waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaallamay deegaanno kamid ah gobolka Sool.

Dadaalladan la isugu keenayo beelahan dagaallamay waxaa wada maamulka Somaliland, waxaana wararku ay sheegayaan in Odayaasha Labada dhinac ay markii ugu horreysay is soo hor fariisan doonaan.

Wasiirro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ku sugan magaalada Laascaanood kuwaasi oo halkaa u aaday in ay qaboojiyaan xiisadda Sool, islamarkaana Labada dhinac ay wada hadal kala dhex dhigaan.

Dagaalladii ka dhacay gobolka Sool una dhaxeeyay beelahan waxay sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Shalay waxaa degmadaasi lagu dilay Saddex qof oo shacab ah, waxaana dilka dadkan la xiriiraa aanooyinka qabiil ee halkaasi ka jira.

Goobjoog News