U bood dhigaalka

Laascaanood:- Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Maandooriyaha Qamriga

Sheeko:Dalka

Ciidanka Booliiska ee magaalada Laascaanood ayaa howlgal ay qaadeen waxa ay kusoo qabteen 64 Liter oo Maandooriyaha Qamriga ah.

Howlgalkaan waxaa horkacayay Taliyaha qeybta Booliiska Somaliland ee gobalka Sool Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nuur Colhaye iyo duqa magaalada Laascaanood, ayaa howlgalkooda ka dib waxa ay la hadleen saxaafadda.

Waxa ay sheegeen in ay la dagaallmi doonaan cid walba oo ka ganacsata Maandooriyaha, isaga oo uga digay dadka falalkaasi ku howlan.

Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Nuur ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xog ku heleen in mid ka mid ah xaafadaha magaalada Laascaanood lagu iibinayo Qamriga, ka dibna howlgal ay qaadeen ku guuleysteen in qamrigaasi soo qabtaan.

Ma aanu sheegin taliyaha in ay soo qabteen dadkii Qamrigaasi iibinayay, hase ahaatee waxa uu ku celiceliyay in howlgalkaan aanu ahaan doonin mid maalin ama Laba ku eg, balse ay ciidamada sidaan oo kale u daba joogaan cid walba oo ku mashquulsan iibinta Maandooriyaha.

Goobjoog News