U bood dhigaalka

Laascaanood: Ciidamada Somaliland Oo Xiray Ganacsato La Sheegay In Ay Ka Soo Jeedaan Koonfurta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska magaalada ay xir xireen qaar ka mid ah dadka ku ganacsado magaalada.

Ganacsatadaan ayaa la sheegay in xalay illa saaka laga soo kala xir xiray xaafadaha kala duwan ee magaalada ay ka kooban tahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in hadda ganacsatada la xiray la isugu keenay Garoonka kubadda Cagta Cabdi Bile ee Magaalada Laascaanood.

Ganacsatada la xiray ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan koonfur iyo bartamaha Soomaaliya, ayna xarigooda amreen sirdoonka Somaliland.

Qaar ka mid ah dadka la xiray ayaa la sheegay in loo geystay Jirdil xooggan, kadib markii looga shikiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.

Sikastaba raafka ciidamada Somaliland ay sameynayaan ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay magaalada ku soo bateen falalka amniga lidiga ku ah.

Goobjoog News