U bood dhigaalka

Laascaanood: Haween Ku Dhaawacmay Rasaas Ay Rideen Ciidamada Somaliland

Sheeko:Amniga

Labo haween ah oo ku ganacsanayey gudaha magaalada Laascaanood ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday askari ka tirsan ciidamada Somaliland.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Laascaanood, dhacdadan ayaa waxaa ku dhaawacmay Shukri Cabdilaahi Ducaale iyo Sacdiya Xirsi Cunaaye, muran dhexmaray mid ka mid ah dadka magaalada oo watay baabuur iyo gaadhi ay saarnaayeen ciidamada Somalilnad kuwaas oo ku amray inuu wadada ka dhaqaaqo. Dhaawacyada dumarkan ayaa la dhigay Isbitaalka Manhal ee magaalada.

Waxaa kale oo la sheegayaan in halkaasi ka dhacay  gacan ka hadal dhexmaray darawalkii waday gaadhiga iyo mid kamid ah askartii saarnayd baabuurka ay wateen ciidamada Somaliland.

Dadka shacabka ah ee wadada marayay iyo askartii ayaa rabshada ka dhax bilaabmatay, dadka ayaa   adeegsaday dhegxaan halka ciidamada Somaliland ay rideen rasaas.

Goobjoog News