U bood dhigaalka

Laascaanood: Weerar Lagu Qaaday Xarumaha Xisbiyada Somaliland

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland .

Xoga ay heshay Goobjoog News  ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay bar tilmaameedsadeen xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbiga WADANI.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ragga weerarka ku qaaday xarumaha xisbiyada .

Xilli maanta lagu wado in Xisbiga Kulmiye uu Olalahiisa doorashada uu ku qabsado fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Laasacaanood iyo deeganada kale ee Somaliland ayaa waxaa dadka deegaanka soo wajahday cabsi xooggan .

Shalay ayeey aheyd markii si rasmi ah oo loo bilaabay Olalaha doorashada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland,  iyadoo dhawaan dadka ay u dareeri doonaan goobaha Codbixinta .

Goobjoog News