U bood dhigaalka

Laba Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Oo Maanta Muqdisho Lagu Dooranayo

Sheeko:Amniga

Waxaa socda diyaargarowgii ugu dambeeyey ee doorashada gobollada waqooyi oo lagu wado in maanta laba ka mid ah kuraasta golaha shacabka in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Ergada dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka ee gobalada Waqooyi ayaa kadib tababar u socday laba maalin muqdisho loogu soo gaba gabeeyay.

Kuraasta la dooranayo maanta ayaa waxaa musharixiinta ku tartameysa ka mid ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay inuu bilaabayo doorashada Somaliland si ay maamullada kale ugu deydaan.

 

Goobjoog News