U bood dhigaalka

Laba Musharrax Oo Usoo Baxay Wareega Sedaxaad Ee Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

Sheeko:Dalka

Wareegii Labaad ee doorashada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo xildhibaanada codeeyay ay gaarayeen 76, halka mudanayaasha goobta ku sugan ay ahaayeen 89.

Waxaa wareegaan ku tartamayay Seddax musharax, iyadoo cod dheeri lagu kala harayay, waxaana wareega Sedaxaad usoo baxay Labo Mudane.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa ku dhawaaqay Natiijada, waxaana ay ahayd sidan:-

  • Maxamed Xaashi Carabey oo helay 37 cod.
  • Bashiir Diiriye Shariif oo helay 32 cod
  • Xasan Maxamed Warsame oo helay 7 Cod.

Hadaba waxaa bilawday wareega Sedaxaad ee doorashada, waxaana ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maxamed Xaashi Carabey iyo Bashiir Diiriye Shariif, waana wareegii ugu dambeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News