U bood dhigaalka

Laba Ruux Oo u shaqeynayey Hay’adda UNHCR Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dileen Laba ruux oo u shaqeynayay hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR.

Labadaan qof oo mid ka mid ah Haweeney tahay ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen lagu soo hor jaray gaari kale, kadibna rasaas lagu furay.

Magacyada Labadaan qof ee la dilay ayaa lagu kala sheegay Aamina Maxamed Nuur iyo sidoo kale C/risaaq Aadan Cadaawe.

Taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Hodon ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay dilka Labadaan ruux.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Federaalka oo gaaray halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal aan weli natiijadiisa la shaacin.

Raggii watay gaariga ee fuliyay weerarkaan ayaa dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin dilkaasi, hase ahaatee dilalka noocaan oo kale ah ayaa dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News