U bood dhigaalka

Laba Sano Kadib Qaraxii Xarunta Gobalka Banaadir, Akhriso Mas’uuliyiintii Ku Dhimatay

Sheeko:Amniga

Maanta oo kale laba sano ka hor 24 July 2019 qarax xooggan oo ka dhacay xarunta gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobalka.

Xarunta Gobalka Banaadir oo uu xilligaasi qaraxa ka dhacay waxaa ka socday shir xasaasi ah oo looga hadlayay amniga caasimadda waxaana goobjoog ahaa dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka banaadir, iyadoo wax yar kadib markii uu shirka furmay gebi ahaan jawiga uu isbadalay.

Kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa durbadiiba la xaqiijiyay geerida mas’uuliyiin lafdhabar u ahaa gobalka oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii degmada Cabdicasiis Marwa Saba Cabdullaahi Asad, Guddoomiyihii degmada Wabeeri Mahad Cilmi,Gudoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi,  Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose Injineer Shuuriye, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane iyo howl wadeenno kale oo ka tirsanaa gobalka.

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac xooggan uu ka soo gaaray duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, isaga oo todobaad kadib u Isbitaal ku yaalla dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii qaraxa ka soo gaaray.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii xilligaas Mahdi Guuled ayaa guddi heer qaran ah u xil saaray in ay baaritaanno ku sameeyaan shaqsiyaadkii ka dambeyay qaraxa, cidda fududeysay iyo qorshahiisa ciiddii laheydba, iyadoo guddigan guddoomiye looga dhigay Cabdi Canshuur Xasan.

Xubnaha guddiga oo ka koobna 14-xubnood ayaa mudda kadib warbixin ay soo saareen ku sheegay in qaraxa ay ka dambeysay Haweeney aragga la’ oo ka tirsaneyd shaqaalaha gobalka.

Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin fara badan ayaa shaki geliyay sax ahaanshaha natiijada guddiga ay ka soo saareen qaraxa.

Dhanka kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmo ka hor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay Afduub muqdisho loogu geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd NISA, isla markaana la sheegay in ay xog kala socotay kiiskii lagu dilay duqii Muqdishi Eng. Yariisoow.

Mahad Salaad ayaa sheegay in shegay hogaanka sare ee NISA ay ka shaqeeyen sidii marka hore  Ikraan dalka loogu soo celinlahaa , kadibna laga taqaluso, waxaa uuna caddeeyey in sidaa loo sameeyey si loo baabi’iyo xogo ay heyso oo ay ka mid yihiin dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!

Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda, Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin  Ikraan,  Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Goobjoog News