Waxaa jira in gabdhaha qaar aysan dhameysan waxbarashada taas oo u sabab ah dhaqamada dadka Soomaaliyeed ay aamin sanyihiin iyo daruufaha dalka ka jira oo saameyn badan ku yeeshay waxbarashadooda,
Labada arrin ee gabdhuhu uga haraan waxbarashadooda ayaa kala ah in gabadha ay guursato ama daruufo la xariira xaga qoyskeeda ay isaga harto taasna ay keento dib u dhac nololeed.
Qaar ka mid ah hablaha Muqdisho ku nool oo Goobjoog News u warammay ayaa tilmaamay duruufaha ugu horreeya ee gabadha waxbarashada uga haraan ay tahay dhinaca guurka.
Caqabadaha kale ee gabadha ka heysata in waxbarashada aysan dhammeysan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah In Hooyooyinka ay uga maarmi waayaan Shaqada guriga iyo in gabadha qaar markay guursadaan hadafkii ay waxbarashada ka lahayeen halkaa ku hakiyaan una go’a guriga ay dhisteen.
Nimco Abuukar waxay ka mid tahay gabdhaha waxbarashada ka haray waxay Goobjoog u sheegtay iney jeclayd iney waxbarashada heer wanaagsan ka gaarto balse hadda ay ka badin waysay shaqada reerka oo carruur ay ku soo korortay awoodna aysan u lahayn iney si kale wax u maarayso,
Marka laga tago nimco iyo gabdhaha kale ee la midka ah ee waxbarashadoodii ka haray sabab kastaahi haku kalliftee dhinaca kale waxaa jira gabdho iyaga oo reero leh hadana siiwata waxbarashada culeys kasta oo ay qabaan
Maymuun Xasan Cabdulaahi waa Gabar hadda heerka Kowaad ee jaamacadda diyaarineysay xaasna ah waxay tiri ‘‘Anigu hammigayga waxa uu ahaa in aan xagga waxbarashada guul ka gaaro islamarkaana aan kala waqtiyeeyo shaqada reerka iyo waxbarashada waana wax aan dhib lahayn haddii qofku markiisa horeba hiigsi dheer uu waxbarashada ka lahaa’’
Seynab Shiiq Cismaan waa mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed waxay sheegeysaa iney muhiim tahay waxbaridda gabdhaha sida wiilasha oo kale balse hadana aan looga maarmin shaqada guriga inkastoo la kala maareyn karo shaqada iyo waxbarashada gabadha sida ay Maymuun aaminsanayd.
Sanadahaan dambe waxaa xoogaa jira baraarug oo ku aadan xaga waxbaridda gabdhaha iyo gabdhaha qudhooda oo dadaal fara badan u galay sidii ay wax u baran lahaayeen.
Iskuullada iyo Jaamacadaha magaallada Muqdisho markaad tagto in kastoo isbarbar-dhig wiilasha iyo gabdhaha aysan sinneyn hada tiro aad u badan oo gabdho ah ayaa waxbarashada tartan kula jira wiilasha.
Gabdhaha qaar kuwooda waxbartay ayaa billaabay oo dadaal ugu jira iney gabdhaha is dhiibay rejo geliyaan iyaga oo doonaya iney ka gudbaan ama meesha ka saaraan hadal haynta ah Jaamacad gabdheed jikaa u danbaysa.
Xafsa Cabdulaahi Cilmi waa xubin ka mid ah Ururka Gabdhaha aqoonyahanada Soomaaliyeed Goobjoog ayeey sidan u sheegtay “ Waxaan bogaadinayaa in gabdhuhu ay waxbarashada kula tartamaan wiilasha noqdaan kuwo iyaga lagu tiirsan yahay’’
Gabdhaha oo waxbartaa waxay sahli kartaa culeyska reerka uu yaraada iyo in haddii ay hooyo noqoto caruurteeda ay ka duwanaadaan kuwa kale ee hooyooyinkood aaney waxbaran
Sidoo kale gabadhaha ama hooyada kale ee waxbaratay waxay qeyb ka qaadanaysaa maaraynta qoyska dhinaca shaqada oo hada bulshada Soomaaliyeed marka la fiiriyo qoysaskooda hal dhinac ku tiirsan.
Hadaba waxaa wanaagsan amaba ay tahay in la dhiira geliyo waxbaridda gabadha si la mid ah dadaalka wiilasha la geliyo oo kale waayo waxaa la yiraahdaa gabar waxbaratay waa bulsho waxbaratay.
Mohamud Ali Haji Osman
Goobjoog News