Labo Askari Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Degmada Buurhaab Ee Baay

Warar dheeraad ah ayaa la helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay degmada Buurhakada ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxan ayaa ahaa sida la sheegay Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka qaraxday xarun ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen degmadaasi.

Inta La xaqiijiyey Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku geeriyootey, Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay inoo sheegeen Goob Joogayaal halkaasi ka dhowaa.

Miinadan ayaa ahayd sida la sheegay kuwa meelaha fog laga hago, waxaana qaraxa kadib ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay kor u rideen rasaas badan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay degmada Buurhakaba, balse inta badan qaraxyada sidan oo kale ah waxaa sheegtay Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW