U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Lagu Toogtay Muqdishu

Sheeko:Amniga

Labo ka mid ahaa ciidamada Minishiibiyada ee canshuuraha ayaa la sheegayaa in lagu toogtay goordhow isgoyska Afarta Darjiino ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado ayaa ciidankan ku toogtay isgoyskaasi, halka falka kadib ay goobta ka baxsadeen, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ayaa goobta gaaray, waxaa ay bilaabeen baaritaan arrinka la xiriira, welina soo bixin warar rasmi ah oo arrintan la xiriirta.

Goobjoog News