U bood dhigaalka

Labo Canug oo Mid Aad u Yar Yahay oo Laga Helay Xeebta Giriiga

Sheeko:Dalka

Meydadka Labo Cunug oo Mid Muluq ayaa Laga Helay Xeebta Giriiga, Labadan Meyd ayaa la sheegayaa in ay Milmeen, Jirkoodana soo uray.

Meydadka ayaa laga helay Axaddii Jasiirad ku taallo dalka Giriiga oo lagu Magacaabo Kos, Caruurtan ayaa la rumeysan yahay in Waalidiintooda ay qax u ahaayeen qaaradda Yurub.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in Marka hore la helay Muluqa oo lagu qiyaasay in uu ka yar yahay 6 bil halka 3 saacadood  kadib la helay Wiil kale oo lagu qiyaasay ilaa 3 jir.

Saxaafadda Giriiga ayaa sheegtay in Labada Meyd la dhigay Hospitaalada dalka si loogu sameeyo baaritaan xagga DNA-da ah.

Madaxa Midowga Yurub ee dhanka Xadka Fabrice Leggeri ayaa sheegay in  sanadkan gudahiisa ay Yurub si sharci darro ah ku soo galeen in ka badan  630,000 qof oo qaxooti ah

Waxaa jiro heshiis dhawaan ay gaareen Midowga Yurub iyo Turkiga oo dhigaya in Qaxootiga dib loogu soo celiyo dalka Turkiga halkaas oo laga dhisay Xeerooyin qaadaya ilaa 2 Milyan oo qof.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaxootiga Aduunka 310,000 oo qaxooti ayaa sanadkan soo galay dalka Giriiga.

Dadka ayaa waxaa ay xusuustaan Sawirka Wiilka 3 jir ahaa ee Ilaat Kurdi kaas oo meydkiisa ay soo tuftay badda Turkiga uga taalla Koofur Galbeed.