Labo Dhalinyaro Oo Caawa Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho

Wararka caawa laga helayo xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa, ayaa sheegaya koox hubeysan ay halkaasi ku dileen labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka.
Ismaaciil iyo Maxamed, oo ah labada marxuun ayaa waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo. Lama oga sababta dilka,
Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, ka hor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux ee la dilay.
Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay.

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW