U bood dhigaalka

Labo Haween Ah oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Koox hubeysan ayaa goordhow waxaa la sheegayaa in labo haween ah ku dileen xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada haween ee la dilay ay xaamilo ahaayeen halka la dhaawacay haweeney kale.

Kooxda oo goobta ka baxsatay ayaa bartilmaameedsaday haweenka xilli ay Bajaab raacayeen, oo ay u socdeen goob ay ka shaqeeyaan oo deegaanka ah.

Qof deegaanka ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in haweenka la bartimaameedsaday ay ka shaqeynayeen nadaafadda, kana shaqeynayeen mid ka mid ah wasaaradaha.

Goobjoog News