U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Sheeko:Dalka

Labo qof ayaa ku geeriyootay dagaal u dhaxeeyay ciidamada ilaalada Garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo dabley hubeysan oo la socotay ganacsato Qaad wadayaal ah.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ganacsatada ay ka biyo diideen canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay Qaadka kasoo dega garoonkaasi.

Weli waxaa la maqlayaa rasaas ka dhex dhacaysa Garoonka diyaaradaha Laascaanood, iyadoo khasaaraha intaan ka badan karo.

Taliska Booliiska Laascaanood weli kama aanu hadal dagaalkan, iyadoo weli xaaladdu tahay mid kacsan.

Garoonka lagu dagaallamayo ayaa 10 Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada laascaanood ee gobolka Sool.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News