U bood dhigaalka

Labo Qof oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka labo qof lagu dilay gudaha  caasimadda Muqdisho, taasi oo sii kordhineysa cabsida amni darrada ee jirta.

Sida lagu waramayo, kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa labada ruux ku dilay agagaarka Carwo-idle ee bartamaha Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, lamana oga sababta ay u dileen.

Wixii warar ah, kala soco halkan

Goobjoog News