Maxamed Mumin Saney oo ah taliyaha ciidanka dowladda u qaabilsan Maxaas ayaa sheegay in tuuo 25 KM u jirta Maxaas ee Gobolha Hiiraan labo qof lagu dilay.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in raga weerarka geystay ay si gaadmo ah ku yimaadeen tuulada, khasaarana halkaas ka geysteen.
Taliyaha oo Warbaahinta Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in dadkii weerarkaas geystay iyaguna khasaaro soo gaartay meeshana ay ka baxsadeen, isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in deegaankii dhibaatadu ka dhacday hadda gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.
Codkii Afhayeenka oo dhameystiran halkan ka dhaeyso: