U bood dhigaalka

Labo Ruux Oo Soomaali Ah Oo Lagu Diley London

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan in xalay fiidkii lagu diley magaaladaasi Labo wiil oo Soomaali ah.

Wiilashan la diley ayaa da’ ahaan waxaa lagu qiyaasay iney u dhaxeeyaan 18 iyo 20 sano jir.

Sida jirkooda ka muuqata, wiilashan ayaa lagu diley Mindi/toorey, waxaana la sheegayaa inaan la hayn dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada Booliiska dalkaasi, kuwaasi oo la wareegay meydadka Labada wiil sidoo kalena waxay wadaan baaritaanno arrintaan ku saabsan.

Afar Bil ka hor, London waxaa lagu diley walaalka mid kamid ah wiilashii xalay la diley.

Goobjoog News