U bood dhigaalka

Labo Shakhsi oo Caan ah oo Kasoo Muuqdey Golaha Wasiirada Galmudug iyo Kuwa Laga Tagay

Sheeko:Dalka

Maanta madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, waxaana golaha ka muuqda waxyaabo soo jiitey dareenka saxaafadda oo durba hadal heyn dhaliyey.

Waxaa golaha wasiirada soo galay guddoomiyaha Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye oo shalay uun heshiis la saxiixday Cabdikariim Guuleed, kaasi oo ahaa awood qeybsi ay Ahlu Sunna ku heshey 4 wasiir iyo 22 xildhibaan.

Ibraahim Guureeye waxa uu noqdey wasiirka waxbarashada ee Galmudug, waxayna arrintani qeyb ka tahay fulinta heshiiskii labada dhinac dhex maray.

Waxaa sidoo kale golaha kasoo muuqdey musharixii madaxweynenimo ee Galmudug Maxamed Cilmi Afrax, kaasi oo dad badan ay ku tiriyaan in codadkii uu wareeggii koowaad ka heley codbixinta uu ku taageerey Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isaga markii dambe ku guuleystey doorashada.

Maxamed Cilmi Afrax waxa uu noqdey wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxayna dad badan u tirinayaan in uu ahaa balanqaad uu markii doorashada ka heley Guuleed.

Dadka aanan kasoo muuqan

Waxa ay dad badan filayeen in Cabdi Cawaale Qeybdiid , madaxweynihii hore ee Galmudug, ahaana mid ka mid ah musharixiinta uu kasoo muuqan doono golaha wasiirada, balse taasi ma dhicin.

Waxaa kale oo aanan golaha kasoo muuqan madaxweynihii maamulkii meesha ka baxay ee Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Baarleex.

Labada nin ayaa si buuxda horey ugu taageerey maamulka cusub ee Galmudug loo dhisey.

Goobjoog News